Hay’dda Amnesty oo soo dhaweeysay in aan la xirin Xerada Dhadhaab

0

Hay’addaha u ololeeya Xuquuqda aadanaha ayaa soo dhaweeyay go’aanka Maxkamada Sare ee Dalka Kenya ay ku diiday qorshaha Dowladda Kenya eek u aadan in la xiro Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab.

Agaasimaha Gobolka ee Hay’adda Amnesty International Muthoni Wanyeki ayaa waxuu xusay in go’aan taariikhi ah uu ahaa hadalka ka soo yeeray Maxkamda Sare ee Dalka Kenya.

Waxaa sidoo kale uu qeexay in xadgudub ay ku noqoneyso xuquuqda aadanaha hadii Qaxootiga Soomaaliyeed ku sugan Xerada Dhadhaab xoog ama qasab dib loogu celiyo Soomaaliya.

Xukuumadda Nairobi ayaa ku doodeysa in Xaalad amni awgeed ay u xireyso Xeryaha Dhadhaab.

Dalka Kenya qeybo ka mid ah ayaa bilihii ugu dambeeyay waxaa ka dhacayay weeraro qorsheysan oo mas’uuliyadooda ay dhabarka u riteen Xoogaga Xarakada Al Shabaab.