Dhambaal Tacsiyeed: Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun, waxaa shalay oo ay taariikhda ahayd 09-02-2017 ku geeriyooday magaalada Balad Xaawo Allaha u Naxariistee Marxuum Axmed Aden Aw Maxamuud.
Dhamaan Bahweynta Allgalgaduud Media, Maamulka iyo Shaqaalaha, Anaga oo ka tiiraanyonayna geeridan naxdinta iyo xanuunka badan leh ee ku timid Allaha u Naxariistee Marxuum Axmed Aden Aw Maxamuud, waxaan dhambaal tacsiyeed oo tiiraanyo leh u direynaa dhamaan Reer Aw Maxmauud Maxamed Ciise, gaar ahaan Reer Aden Aw Maxamuud Maxamed iyo dhamaan asxaabtii uu ka baxay Marxuum Axmed Aden Aw Maxamuud, waxaana Allaah Subxaanahu Watacaalaa ka baryaynaa inuu dhamaanteen samir iyo iimaan naga wada siiyo Allaha u Naxariistee Marxuum Axmed Aden Aw Maxamuud, waxaa sidoo kale aan Allaah Subxaanahu Watacaalaa ka baryaynaa inuu Marxuum Axmed Aden Aw Maxamuud janadi fardowza ahayd ka waraabiyo. Aamiin Aamiin Aamiin