DHAGEYSO:- Xildhibaan C/llaahi Goodax oo ka hadlay fara gelinta shisheeye iyo Arrimo kale oo Xasaasi ah

0

Xildhibaan C/laahi Goodax Bare oo ka hadlayay arrimaha la xiriira Dowladaha shisheeye ee fara gelinta ku haya Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay mar walba in ay dhacdo wadan in uu fara geliyo wadan kale, isagoo sheegay in loo baahan yahay in aysan saameyn ku yeelan.

Waxa uu sheegay dalka Soomaaliya in uu yahay mid hada soo kabsanaya oo dagaalo iyo dhibaatooyin ay la degeen, dhibaatana ay ku tahay in fara gelin lagu sameeyo.

Sidoo kale Xildhibaan C/laahi Goodax Bare ayaa sheegay fara gelinta in ay shacabka Soomaaliyeed ay aad uga walaacsanaayeen, maadaama ay muuqatay.

Madaxda cusub ee Dowladda Federaalka ayuu ugu baaqay in ay ka hortagaan Dowladaha caadeystay in ay mar walba iska hor keenaan shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladda Federaalka, si loo gaaro guulo la taaban karo.

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa horey uga digay fara gelinta Dowladaha shisheeye ay ku hayaan Soomaaliya, iyagoo ugu baaqay dadka ajaanibta ah ee Soomaaliya ku sugan in ay ku ekaadaan shaqadooda.

Hoos ka Dhageyso Codka:-