DHAGEYSO:- Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka oo baaq u diray Shacabka Soomaaliyeed

0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Maxamed Aadan Axmed ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay la shaqeeyaan Ciidanka Dowladda Federaalka qeybahooda kala duwan, maadaama nabad gelyada shacabka ay ka timaado.

Waxa uu sheegay shacabka in looga baahan yahay in ay u shaqeeyaan sidii markii horeba ay u shaqeynayeen, si Ciidanka garab looga siiyo, ka hortagida falalka la xiriira amni darada.

Sidoo kale Maxamed Aadan Axmed Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay Madaxweynaha fariinta uu soo faray in ay tahay shacabka in uu u mahadcelinaayo, kuna laabtaan guryahooda, si aysan u dhicin arbushaad, maadaama ay wadeen banaanbaxyo lagu taageerayo Madaxweyne Farmaajo.

Maalin ka hor ayaa Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Afasiyooni waxaa lagu doortay Maxamed Farmaajo oo noqday Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, intaas wixii ka dambeeyay waxaa dhacayay dibadbaxyo ay si wadajir ah u sameynayeen Ciidanka Dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Millitariga iyo shacabka, taasi oo sababtay in ay isku milmaan shacabka iyo Ciidamada oo markii hore difaac isugu jiray.

Hoos ka Dhageyso Codka:-