Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay isbedelka hoggaamineed ee dalka ka dhacay in uu keeni karo nidaam, nabad iyo hormar.
Waxa uu sheegay mar walba in loo baahnaa in dalka uu ka dhaco isbedel, isagoo sheegay Madaxweyne Farmaajo in uu ka rajeynayo isku keenida shacabka Soomaaliyeed iyo sidii dalka hormar loo gaarsiin lahaa.
Sidoo kale Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha caalamka waxa uu ka codsaday in ay si wadajir ah ula shaqeeyaan Madaxweyne Farmaajo.
Hoos a Dhageyso Codka:-