Xaalada Abaareed Ee Ka jirta Qeybo ka mid ah Gobollada Dalka ayaa waxa weli ay tahay mid kasoo yeereyso qeylo dhaan oo dadkuna ay gurmad dalbanayaan.
Deegaan lagu magacaabo Juungal oo hoostaga Baardheere kana tirsan Gobolka Gedo ayaa waxa lasoo warinayaa in Labo Qof ay gaajo iyo haraad ay ugu geeriyoodeen.
Xoghayaha Maamulka degmada Baardheere Shariif Nuuroow ayaa warbaahinta usheegay in Abaarta ay gaartay meel aad uhalis badan dadkuna ay gar gaar ubaahan yihiin.
Waxa uu Xoghayuhu sheegay in Dad kasoo barakacay Tuulooyin badan oo Gobolka Gedo ah ay hada gaareen Xarunta Gobolkaasi Ee Garbahaareey.
Hoos ka Dhageyso Codka:-