Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo Xalay Saqdii dhexe Shir Jaraa ‘id ku qabtay Muqdisho ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay joojiyaan Banaanbaxyada ay wadaan.
Waxa uu sheegay in ololihii ay dhamaadeen isla markaana hada ay bilaabaneyso shaqo iyo dajinta Siyaasada uu ku shaqeynayo Afarta sano ee soo socota.
Waxa uu sidoo kale sheegay in uu ku dadaalayo in sida ugu dhaqsiyaha badan wax ugu qabto abaaraha ka jira Dalka.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Shacabka Soomaaliyeed loogu baahan yahay in ay la shaqeeyaan Dowladiisa Cusub.
Hoos ka Dhageyso Shirka Jaraa ‘id ee Madaxweyne Farmaajo:-