DHAGEYSO:- Hoos u dhac ku yimid Qiimaha Sarifka

0

Waxaa hoos u dhac balaaran uu ku yimid Qiimaha sarifka lacagta Dollarka ee suuqyada Magaalada Muqdisho, sida ay Risaala u sheegeen qaar ka mid ah dadka ganacsatada ah.

Aadan Dhaqtar Cali oo ka mid ah ganacsatada sarifta lacagaha Dollarka ah ayaa Risaala u sheegay in maalmihii dambe uu hoos u dhac ku imaanayay sarifka lacagaha Qalaad.

Waxa uu sheegay Ciidamada iyo shaqaalaha kale ee Dowladda Federaalka uu Madaxweynaha cusub u balan qaaday in uu mushaar siinayo, taasina ay sabab u tahay isbedelka ku yimid sarifka.

Jahwareer dhanka sarifka ah ayaa ka jira suuqyada Magaalada Muqdisho, iyadoo meelaha qaar 1-ka Dollar la sarifayo 18 kun ilaa 15 kun SH.s.

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa laga dareemayaa hoos u dhaca ku yimid qiimaha sarifka, waxaana taasi ay saameyn ku yeelatay ganacsatada Soomaaliyeed.

Hoos ka Dhageyso Codka:-