Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi (Carabey) oo warbaahinta la hadlay ayaa ugu baaqay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed (Farmaajo) in uu ka fiirsado shaqsiga uu u magacaabayo Ra’isal wasaaraha dalka.
Waxa uu sheegay Maxamed Cabdi Xaashi (Carabey) Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Madaxweyne Farmaajo in looga baahan yahay in uu soo magacaabo Ra’isal wasaare fiican oo umada anfaca.
Waxa uu sheegay hadii dalka loo magacaabo Ra’iisul Wasaare fiican in la helaayo xukuumad tayo leh oo isku dheeli tiran.
Hoos ka Dhageyso Codka:-