Korneel Maxamed Ismaaciil Shuuke oo ah qabiir dhinaca Milatariga islamrakaana wax badan kala socda xaalada siyaasadeed ee dalka iyo isbadalada dhacaya ayaa sheegay inay suura gal tahay in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay caaqabado kagayimaan maamul goboleydyada kajira dalka oo ay hiragalisay dowladii hore ee madaxweyna Xassan.
Korneelka ayaa faahfaahiyey caqbadaha imaan kara iyo waxa ay yihiin oo uu tilmaamay in maamul gobaleedyada loo sameeyey qaab qabiil ahaan oo wali qabaa’iladu qaar ay tabasho ka yihiin maamul gobaleedyadu taasina ay tahay dhibaato xalkeeda uga baahan madaxweynaha cusub ee Farmaajo.
Waxaa uu xusay in nidaamkan Maamul gobaleedyada ee lasameeyey shaqaba aanku laheyn soomaali balse uu yahay mid loogu talagalay Bulsho kala jinsi ah kala luqad ah kala diin ah islamarkaana ay adagtahay si loofahamsiiyo dadka Soomaaliyeed .
Hoos ka Dhageyso Codka:-