Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Aadan Axmed oo la hadlay Warbaahinta ayaa ugu baaqay Ciidamada Xooga Dalka ee ku sugan Muqdisho iney dib ugu laabtaan goobihii ay ka imaadeen.
Waxa uu sidoo kale sheegay in ay dhamaadeen howlihii doorashada isla markaana loogu baahan yahay Ciidanka iney Magaalada ka baxaan.
Waxa uu sheegay in ay jireen qaar ka mid ah Ciidamada Xooga Dalka oo Waardiye u ahaa ama la shaqeynaayay Musharaxiinta ka qeyb gashay Tartanka doorashada.
Waxa uu sheegay in aysan aqbali doonin in Askari ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka ay ku sii sugnaadaan Muqdisho.
Hoos ka Dhageyso Codka:-