Marxuumadda ayaa la sheegay inay Marwaxadda Matoorka Doonida ku dhex dhacday, waxaana la sheegay inuu hilibkeeda ku dhex riiqmay matoorka.
Hadal qoraal oo ka soo baxay Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR ayaa lagu sheegay inay 8 Qaxooti Somali la socday dooni ku sii jeeday ay geeriyoodeen, kadib, markii ay ka dhaceen doonidii ay la socdeen oo maraysay Xeebaha Koonfurta Yemen.
Dadka geeriyooday ayaa kala ahaa 7-nin iyo Haweeney, kuwaasi oo saarnaa dooni ay la socdeen in ka badan 100-qof.
Marxuumadda ayaa la sheegay inay Marwaxadda Matoorka Doonida ku dhex dhacday, waxaana la sheegay inuu hilibkeeda ku dhex riiqmay matoorka.
UNHCR ayaa sheegtay inay 8-daas qof ka faniineen doonida, xilli ay Mukhalasiintii waday Doonida si kedis ah u kiciyeen Matoorka, kadib, markii ay meel dheer ka arkeen dooni ay la socdeen Ilaaladda Xeebaha Yemen.
Rakaabkii kale la socday Doonida ayaa la geeyey Xeebta Degmadda Al-sudaf ee Gobalka Laxaj ee Koonfurta Yemen.
Hay’addaha Ammaanka ayaa la sheegay inay wareysteen Tahriibayaasha la socotay Doonida, waxayna u sheegeen inay ku sii jeedeen Xeebaha dalka Sudan, oo ay uga sii gudbi lahaayeen Libya.
Dhimashadda ugu dambeysay ee 8-da qof ee Soomaalida ayaa waxay sare u qaatay Khatarta laga kulmayo in Doonyo looga gudbo Gacanka Carbeed, iyadoo in ka badan 117,000 oo Qaxooti ah sannadkii hore ku safreen Baddaasi.