Ciidamada dalka Mareykanka ayaa sheegay inay 11 ka mid ahaa dagaalyahannada Al-qacida ay ku dileen laba weerar oo ay ka fuliyeen meel ku dhow Iblib ee dalka Suuriya.
Dadka duqeynta lagu dilay waxaa ka mid ah hogaamiye saaxiib dhow la’ahaan jiray Usama Bin Ladin, sida war ka soo baxay Pentagon-ka lagu sheegay.
Sarkaal ka mid ah ciidamada oo lagu magacaabo Jeff Davis, ayaa sheegay in 10 ka mid ah lagu dilay hal duqeyn oo la fuliyay seddaxdii bishan.
Duqeynta labaad oo 4-tii bishan la qaaday waxaa ku dhintay Abu Hani al-Masri, kaas oo saaxiib dhow la ahaa hogaamiyihii Al-qacida Usama Bin Ladin.
Al-Masri ayaa la sheegay inuu maamuli jiray xero ku taallay Afghanistan oo lagu tababari jiray dagaalyahanada Al-qacidda sanadihii 1980 illaa 1990-maadkii.
Sidoo kale wuxuu xiriir dhow la lahaa hogaamiyaha hadda ee Al-qacida Ayman al-Zawahiri.
“Duqeynta waxay wiiqday awoodda Al-qacidda ay ku abaabuli lahayd weerar ka dhan ah danaha Mareykanka ee dunida,” ayuu yiri Capt Davis.
Al-qacidada dalka Suuriya waxaa siweyn looga garanayaa Jabhadda loo yaqaano Jabhad Fatxu Al-Shaam, oo horey loogu yaqaanay Al-Nusra.
Waxaa la aaminsan yahay in weli hogaanka jabhadaasi ay ku milanyihiin Al-qacidda.
Mareykanka ayaa isbuucii tagay weerar ka fuliyay dalka Yaman, kaas oo ahaa midkii ugu horeeyay ee Trump uu amray tan iyo markii uu madaxweynaha noqday.
Wararka waxay sheegayaa in duqeyntaas ay ku dhinteen ciidamo iyo 16 qof oo shacab ahaa.
Maamulka Mr Trump ayaa howlgalkaas ku tilmaamay mid guuleystay oo ka dhashay akhbaard sirdoon oo si weyn loo lafaguray.