Faallo Xiiso leh:- Soomaaliya waxay galeysaa Marxalad cusub?..

0

Xilka loo doortay Farmaajo waxaa durbadiiba u hambalyeeyay Beesha Caalamka,Masuuliyiinta Maamul-goboleedyada iyo daweynaha Soomaaliyeed oo ku kala dhaqan Dalka gudahiisa iyo dibaddiisaba, waxayna dhammantood ugu duceeyeen inuu xilkaasi uu Eebbe la garab galo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa doorashadiisa kadib sheegay in uu shacabka uga mahadcelinayo taageerada ay la garab taagan yihiin, waxaana uu Xildhibaannada uga mahadceliyay sida ay u fuliyeen rabitaanka shacabka.

“Waxaan u mahadcelinayaa shacabka Soomaaliyeed sida aad ii garab istaagteen iyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo har iyo habeenba u taagan inay cadowga ka celiyaan shacabka, waxaan shacabka ka codsanayaa inay is dajiyaan oo ay guryahooda dib ugu laabtaan, waad muujiseen shacuurtiina iyo dareenkiina, wixii aad rabteen waad hesheen, waxaan idinka codsanaya inaad dib ugu laabataan guryahiina, oo aad la shaqeysaan laamaha amniga, si loo sugo guud ahaan amniga dalka” ayuu yiri Madaxweynaha cusub ee dalka.

Madaxweynaha cusub ayaa sheegay in dhawaan uu jeedin doono khudbad uu kaga hadlayo qorshaha u degsan, waxaana uu ciidanka ka dalbaday inay xoojiyaan amniga dalka.

Haddaba maxaa looga baahan yahay Madaxweynaha cusub?, waxaa looga baahan yahay in uu fiiriyo danta shacabka Soomaaliyeed, oo u baahan tabantaabo, badbaado iyo dareyeel, maadama ay haatan Dalka ay ka jiraan abaaro ba’an iyo gaajo, marka waxaa lagaa rabaa in hadda Soomaaliya la galiyo marxalad cusub oo ay ku hiigsaneyso gaaritaan nolol cusub oo horumar iyo amniba leh.

W/Q:- C/llaahi Ruush