Dowlada Mareykanka ayaa u hambalyeysay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo xalay si aqlabiyad leh ay Baarlamaanka Soomaaliya ugu doorteen gudaha magaalada Muqdisho.
Bayaan ka soo baxay waaxda arrimaha dibada Mareykanka ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu si dhaw ula shaqeyn doono Madaxweynaha cusub ee Dowlada Federaalka Soomaaliya.
Dowlada Mareykanka ayaa ku dhiirigelisay hoggaanka cusub ee Soomaaliya inuu tallaabo la aamini karo uu u qaado sidii uu uga taqalusi lahaa musuq-maasuqa iyo sidii uu u sameyn lahaa Hay’ado xoog leh oo ka soo shaqeeya Doorashooyinka soo socda, si loo suurageliyo in Soomaaliya ay ka dhacdo Doorasho hal qof iyo hal cod ah sanadka 2020-ka.
Bayaanka Waaxda Arrimaha Dibada ee Mareykanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Mareykanka uu Madaxweynaha iyo dowladda cusub ee Soomaaliya kala shaqeyn doono sare-uqaadida dib u heshiisiinta, howlaha gurmadka abaaraha, amaanka iyo dhisida Hay,ado xoog leh oo fuliya Dowlad wanaag iyo horumarinta umadda Soomaaliyeed.