DHAGEYSO:- Siyaasi C/qaasim oo ka hadlay Doorashada Madaxweyne Farmaajo

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan oo ka halday Doorashada Madaxweynaha oo Arabacadii ka dhacday Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

Waxa uu sheegay Madaxweyne Farmaajo in uusan kaligiis waxba qaban karin, balse looga baahan yahay in uu soo dhiso xukuumad dhaxal gal ah oo dalka bad baadin karta, si guulo la taaban karo loo gaaro.

Sidoo kale C/qaasim Salaad Xasan ayaa Madaxweynaha cusub ugu baaqay in uu soo doorto Ra’iisul Wasaare dadku ay la dhacaan oo lagu qanco, dadka iyo dalkana wax u qabta, isagoo sidoo kale sheegay muhiim in ay tahay taareero in la siiyo Dowladda cusub.

Tii xalay ka dhacday Magalada Muqdidsho waa la ogaa, oo dadka iyo Ciidamada la kala garan waayay, Rasaastii ay dadka ka carari jireena xalay ay dhanka ka dhaceysay u soo ordayeen, taasi oo muujineysa taageerada dareen la’aanta keentay ee loo hayo Maxamed Farmaajo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-