Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa ku dhawaaqday inay joojisay go’aankii horey ee dowladda dalkaasi ku xiraysay xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab.
Qoraal hadda si rasmi ah ugu soo baxay faafinta rasmiga ee dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in go’aankaasi ay maxkamadda sare ka hor timid.
Qaadiga lagu magacaabo John Matibo ayaa sheegay inay diideen go’aankii horey ugu dhawaaqay Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Joseph Nkaissery, kaas oo ku saabsanaa in la xerayo Xeryaha Dhadhaab.
Xeryaha Dhadhaab waxaa ku sugan qaxooti badan oo Somaliyed, kuwaasi oo qaarkood dhowaan dalkooda dib ugu soo laabtey, kadib markii loo sheegay in la xirayo xeryahaasi.
Go’aanka ka soo baxay maxkamada Sare ee dalka Kenya ayaa wuxuu noqonayaa mid farxad geliya Bulsho badan oo Somaliyed, kuwaasi oo ku nool Xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya.
Hoos ka Dhageyso Codka:-