Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo shacabka kala halay Warbaahinta Dowladda ayaa ku baaqay in xaalada la dejiyo si Rasaasta Ciidamada ay ridayaan aysan u geysan waxyeelo, isagoo sidoo kale aad u amaanay Ciidanka Ammaanka, oo ka hortagay in ay dhacdo Arbushaad xilliga Doorashada.
Sidoo kale Guddoomiye Jawaari ayaa Ciidanka ku dhiira geliyay qaabka ay amniga u sugayaan, isagoo sidoo kale ugu baaqay in ay adkeeyaan amniga, wixii hada ka dambeeyana ay nolosha noqon doonto mid caadi ah.
Hoos ka Dhageyso Codka:-