Ciidanka Naafada Xoogga Dalka oo hada ku jira Isbitaalka Martiini, si aad ahna ula socday Doorashadii shalay ka dhacday Muqdisho ayaa waxa ay ka hadleen guushii Maxamed (Farmaajo).
Qaar ka mid ah Naafada Xoogga oo la hadlay Risaala ayaa waxa ay sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin guusha uu gaaray Farmaajo, iyagoo sheegay in wax badan ay ka sugayaan oo uu u qaban doono Madaxweynaha cusub.
Waxa ay sheegeen in ay yihiin Hooyadii Ciidanka Xoogga Dalka, taasi darteedna ay ka sugayaan in uu wax ugu qabto si deg deg ah, iyaga caruurtooda iyo dhammaan qoysaskooda.
Hoos ka Dhageyso Codka:-