Musharaxii Xilka Madaxweyne ee Looga Guuleystay Doorashadii Shalay, Mudane Cali Xaaji Warsame ayaa Ka Hadlay Isbadalka Siyaasadeed ee Hogaanka Wadanka somaliya iyo Guusha Madaxweyne Farmaajo,
Cali Xaaji Warsame Oo Caawa U Warmayay Warbaahinta SBC ayaa Sheegay in Doorasho Wanaagsan Dhacday, laakiin Caqabado Badan ay Soo martay,
Wuxuu tilmaamay iney doorashadaasi ka Turjumayso, Dareenka iyo Rabitaankii Shacabka somaliyeed, oo Xiligan doonaya Hogaan Wanaagsan Oo Daacad ah,
Sababaihii Ku Kalifay inuu isagu u tartamo madaxtinimada Somaliya ayuu ku sheegay iney Ku Qasabtay kadib markii uu ku guuleysan waayay inuu ka shaqeeyo Puntland oo uu wasiirkii waxbarashada ka soo Ahaa, Wuxuuna tilmaamay inuu Caqabado kala kulmay Hogaanka Xiligan ee Puntland.