DAAWO SAWIRRADA:- Madaxweyne Farmaajo Oo Ay Sugayaan Amaankiisa Ciidamo Soomaali Ah Kadib Markii Uu Diiday Inay Amaankiisa Sugaan Ciidamada Amisom.

0

Waxaa aad loo hadal haya Wararka ku saabsan M/weynaha Cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo oo diiday in ay Amaankiisa sugaan Ciidanka Amisom waxaana halkaan idiin kugu soo gudbineysa Xog & Sawiro ku saabsan Arintaasi.

Farmaajo oo la Dajiyay Hotelka Jaziira ee Magaalada Muqdisho kadib doorashada ayaa dalbaday in si gaar ah amaankiisa u sugaan Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan kuwaas oo ka tirsan Ciidanka NISA & Qeyb kamid ah Ciidanka kumaandooska Soomaaliya ee Danab.

Farmaajo ayaa la aaminsan yahay in uu yahay nin ay ku weyn tahay wadaniyada iyo kalsoonida uu ku qabo dhulkiisa iyo ciidanka Xoogan waxaana arintaan ay sumcad u tahay Farmaajo oo markii horaba ay shacabka aad u aamineyn.