Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho xalay waxa ay u aheyd Habeen wanaagsan, maadaama la doortay Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo shacabka Soomaaliyeed guud ahaan ay taageersan yihiiin.
Xalay Muqdisho waxaa la riday Rasaas aad u fara badan, taas oo markii hore ay dad u maleynayeen Dagaal toos ah, balse ay aheyd oo keliya Dabaaldeg, waxaana wadooyinka Muqdisho isugu soo baxay shacab aad u fara badan, taas oo sababtay in la kala garan waayo Ciidamada iyo dadka rayidka ah.
Sawirro laga soo qaaday dadka xalay isgu soo baxay Magaalada Muqdisho ayaa muujinaya dadka oo ku qeylinaya ereyo ay ku taageerayeen Farmaajo iyo Boorar ay ku qoran yihyiin Hal ku dhigyo.
Hoos ka Daawo Sawirada:-