DAAWO SAWIRADA:- Madaxweyne Farmaajo oo bilaabay la kulanka Xubnaha beesha Caalamka ee Muqdisho ku sugan

0

Madaxweynaha cusub ee xalay lagu doortay magaalada Muqdisho Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa kulamadii ugu horeeyay ee uu la yeelanayo wakiilada beesha caalamka  tan iyo markii uu ku guuleystey doorashada Madaxweynaha bilaabay maanta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kula kulmay xarunta Xalane Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Micheal Keating iyagoo ka wada hadlay arrimihii ugu dambeeyay ee dalka Soomaaliya ku soo kordhay.

Danjire Keating ayaa u hambalyeeyay Madaxweyne Farmaajo waxana uu u sheegay in Qaramada Midoobay ay ku faraxsan tahay in uu soo gabagaboobo geedi socodkii doorashada dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Danjire Farmaajo ayaa waxa uu sheegay in uu doonayo in la sii xoojiyo xiriirka qaramada midoobay ee dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulamo kale la yeeshay danjirayaal kala duwan oo ka socday beesha caalamka kuwaasoo ugu hambalyeeyay doorashada loo doortay afarta sano ee soo socota hogaaminta dalka Soomaaliya.

Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa waxa uu dhambaalo hambalyo ah ka helayaa hogaamiyaasha dalalka caalamka.

Hase yeeshee Madaxweyne Farmaajo ayaan weli si rasmi ah ula wareegin xilka madaxweynaha iyadoo ay socoto diyaargarowga munaasabada caleema saarka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa la dejiyay xalay Hotel Jazeera oo ku dhow garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho waxaana ammaanka Madaxweynaha sugaya ciidamo Soomaali ah.

Hoos ka Daawo Sawirada:-