Ciidamo si gaar ah u tababaran ayaa la wareegay ammaanka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, kaddib markii caawa si rasmi ah loogu dhaariyay xilka.
Sida ay sheegayaan wararka ciidamadan oo isugu jira ciidanka gaarka ah ee dowladda oo isugu jira Boolis iyo kuwa Nabadsugida.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo maalmaha soo socda loo caleemo saaro xilka Madaxweynaha, isagoo si rasmi ah xilka ugala wareegi doona Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa intii uu ololaha ku jiray ku degenaa Guri ku dhow Hotelka Jazeera oo ka mid ah goobaha ammaankooda aad u adag yahay.
Madaxweynaha cusub ayaa wali la geyn Xarunta Madaxtooyada oo ah meesha rasmiga ah ee Madaxweynaha uu degi doono, maadaama aanu wali xilka la wareegin.
Warar qaar ayaa sheegaya in meel gaar ah oo ammaankeeda aad loo adkeeyay la dejiyay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Dabaal degyo waa weyn ayaa ka socda magaalada Muqdisho iyo qeybo ka mid ah gobolada dalka, iyadoo lagu arkay dadweyne raxan raxan u socda oo aad u taageersan Madaxweynaha la doortay, waxaana magaalada illaa iyo hada laga maqlayaa rasaas cirka loo riday oo dabaal deg ah.