AKHRISO:- Taariikhda Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Farmaajo

0

Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya waxa uu dhashay March 1962, Waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Waxbarasho:

1993: Waxaa uu ka qalin jabiyay State University of New York ee Buffalo, isagoo ku taqasusay taariikhda (Yurub iyo Mareykanka).

Isla Jaamacaddaas ayuu ka qaatay Master sanado kadib.

Shaqo:

1981: Waxaa uu shaqo ka bilaabay Wasaaradda arrimaha dibadda, waaxda lacagta, Maamulka iyo Arkiifiyada.

1985-1989: Xogheyaha 2-aad ee Safaaradda Soomaalida ee Washington.

2000: Golaha dhexe ee xisbiga Jamhuuriga ee dalka Mareykanka.

2002:Xiriiriyaha State of New York  ee arrimaha xuquuqul Insaanka iyo dadka laga tirada badan yahay.

2010: Ra’isul wasaaraha TFG-da ee dowladdii Sharif Sheekh Axmed.

2015: waxaa uu Bare ka yahay Erie College oo ku yaalla buffalo.

Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa caawa noqday Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, kadib markii uu tanaasulay Xasan Sheekh Maxamuud oo kula tartami lahaa wareegga ugu dambeeya ee Doorashada.