Warar hadda naga soo gaaray xarunta doorashada waxay sheegayaan in meel gaar ah ay iskula baxeen Maxamed C/laahi Farmaajo, Cumar C/rashiid Cali iyo sidoo kale Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Waxay doonayaan iney isugu shubaan, iyadoo hadda aad moodo in durba la sameeyey isbahaysi ka dhan ah Xasan Sheekh.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la doonayaa inuu noqdo Farmaajo ama Shariif mid un, haddii Cumar uu ku haro sidoo kalena waxaa la isku balanqaadayaa in la taageero Musharraxii kusoo hara Xasan Sheekh Maxamuud.