Wadooyinka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa dhamaan xiran, waxaana aad loo adkeeyey amniga magaalada iyadoo maanta ay dhaceyso Doorashada Madaxweynenaha Soomaaliya.
Dhinaca kale waxaa magaalada ka socda shirar u dhexeeya qaar ka mid ah Musharrixiinta, iyadoo qaar kalena ay ka hareen tartanka, oo ay tanaasuleen.
C/laahi Cali Xasan iyo C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) ayaa ka tanaasulay Musharaxnimada xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
Xildhibaanada Baarlamanka ayaa iyaguna aad u mashquulsan oo marba Musharax la kulmaya, ayada oo la isku dayayo in la kasbado codadkooda ka hor Doorashada maanta dhaceysa.