Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa sheegay in uu tanaasulay Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka mid ahaa Musharaxiinta u taagnaa xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
Horay waxaa u tanaasulay C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) iyo Eng. C/laahi Cali Xasan oo ka mid ahaa Musharaxiinta Madaxweynaha.
21 Musharax ayaa isugu soo hartay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, oo hada ka socota xarunta Ciidanka Cirka ee Afasiyooni.