Subaxnimadii hore ee maanta kadib marki salaada subax laga so baxay ayaa laga maqley rasaas ka dhacaysa xaafadda New Bosaso ee magaalada Bosaso, khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa weerarka ka dhashey
Laba nin oo hubeysan ayaa weerar ku qaadey Hotel Village oo ku yaala Konfur Galbeed magaalada Bosaso. Labada nin ayaa diley laba kamid ah waardiyaashii Hotelka, waxaana ay isku dayeen in ay gudaha u galaan Hotelka. Sida uu Allgalgaduud Media u sheegay mid kamid ah shaqaalaha Hotelka, waxaa labada nin oo hubeysan ay dagaal la galeen ciiamo ilaalo ka ahaa Guddoomiyihii hore ee gobolka Bari Cabdisamad Gallan oo Hotelka deganaa, waxaana wararka qaar sheegayaan in labo kamid ah ilaalada Cabdisamad Galan ay dableydu dishey.
Dableyda soo weerartey Hotelka ayaa la diley waxaana hadda loo qaadey meydkooda goob lagu baarayo, lamana yaqaan cidda ay ka tirsan yihiin.
Todobaadkii hore ayaa sidaan oo kale ciidamada amaanka Bosaso lagu weeraray goob ay ka deganaayeen halka magaalada laga galo, mana jirto cid loo qabtey weerarkaas.
Ciidamada amaanka ayaa xirey inta badan jidadka gala Hotel Village waxaana magaalada soo buux dhaafiyey ciidanka amaanka.
Maamulka Puntland ayaa dagaal kula jira malayshidaa ka kala tirsan Daacish iyo Al-Shabaab, waxaana la aaminsan yahay in ay shabakado qarsoon ku samaysteen Bosaso bilihii u danbeeyey.