WAR DEG DEG:- Bam Gacmeed lagu Tuuray Goob laga Daawanayay Doorashada oo ku taal Magaalada Baledweyne

0

Bambo ayaa Goor dhow lagu tuuray Maqaayad ku taalla Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ,waxaana la sheegay in Maqaayadda ay Dadku ka daawanayeen Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo ka socota Magaalada Muqdisho.

Labo Qof ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen Bam Gacmeedka lagu soo tuuray Goobta laga daawanayay Doorashada.

Ciidamada Ammaanka Magaalada Baledweyne oo halkaas tagay ayaa Baaritaano Xoog leh ka sameeyay Xaafadda ay ku taallo Maqaayadda Weerarka lagu qaaday.