Saadaal Cusub iyo Xogo Dheeraad ah oo ka soo baxeysa Cida ku guuleysaneysa Madaxweynaha Soomaaliya

0

Saadaalin cusub ayaa soo baxday, taas oo wax badan ka bedeshay tii la haystay Saqdii dhexe ee xalay, waxaana meel xun gaaray kala qaadashada laalushka iyo musuqmaasuqa oo uu musharax kastaa gaarsiiyey meeshii u dambeysay.

Musharax Shariif Sheekh Axmed oo rajo weyn laga qabay in uu kasoo gudbo wareegyada koowaad ayaa laga cabsi qabaa in uu dib u dhac ku yimaado, isagoo heli kara codad aad uga hooseya wareega labaad.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in Xasan Sheekh Maxamuud, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, Cabdulqaadir Cosoble iyo Musharaxiinta kale mid kamid ah laga yaabo in ay u gudbaan wareega labaad ee doorashada.

Rajada ay qabaan Cosoble iyo Cumar Cabdirashiid ayaa kobcaysa hadba saacadaha ugu dambeeya, waxaana ay bixiyeen lacag kasta oo ay bixinayso Madaxtooyada Soomaaliya.

Sidaas oo kale rajada ay qabaan musharaxiinta Isbedel­doonka ayey ku sheegayan mid sareysa, waxa ayna go’aansadeen in ay codadkooda oo dhan iskugu geeyaan hal musharax, kaas oo aysan wali go’aansan laakiin noqon doona ninka ugu codadka bata wareega koowaad­ba.