Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo kamid ahaa musharraxiintii u tartamayey xilka madaxweynaha ayaa markii uu is casilayey wuxuu si dadban xildhibaannada ugu baaqay ineysan dooran Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxa uu sheegay Sakariye in maanta uu u jeedo in xildhibaannada ay dooran doonaan shaqsi aad iyo aad ugu wanaagsan shacabka Soomaaliyeed.
Wuxuu sheegay in Hoolka doorashada ay ku sugan yihiin dowlado shisheeye oo musharrax gaar ah tageeraya, wuxuuna kala jeeday Xasan Sheekh, balse wuxuu xildhibaannada ugu baaqay iney taasi beeniyaan oo shaqsi ka duwan midka ay rabaan la doorto.
Soomaaliya ayuu sheegay Sakariye in maanta maalin aad qiimo u leh tahay, loona bahan yahay in mudanayaasha ay u istaagaan sidii ay u keeni lahaayeen musharrax daacad ah.