Masuuliyiin ku jiray Hotelka la weeraray, Xaalada Boosaaso oo kacsan iyo Wararkii ugu dambeeyay

0

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, dabley hubaysan ayaa weerar ku qaaday  saaka aroortii Hotel lagu magacaabo International Village oo ku yaallo Koonfur Galbeed magaalada Boosaaso.

Wararka waxa ay sheegayaan rag hubaysan oo lagu qiyaasay Ilaa Shan nin inay gudaha Hotelka galeen, kadib markii Banaanka Hotelka ay ku toogteen labo nin oo ka mid ahaa Waardiyeyaasha Hotelka ilaalinaayay.

Waxaa la sheegayaa dableyda hubaysan inay gudaha u galeen Hotelka, waxaana hada la soo warinayaa inay rasaas ka dhaceyso Hotelka International Village ee Magaalada Boosaaso.

Warar hor dhac ah ayaa sheegayaa labo ka mid ah dableyda hubaysan ay toogteen ciidamo ka tirsan Puntland oo gaaray goobta Hotelka ah ee hada uu weerarka ka socdo.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Hotelka uu deganaa Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bari Cabdi Samad Maxamed Galan.

Ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Puntland ayaa aad u soo buux dhaafiyay Magaalada Boosaaso gudaheeda, waxayna isku dayayaan xaqiijinta ammaanka Hotelka uu weerarka ka socdo, maadaama la sheegaayo dableyda hubaysan inay gudaha ugu jiraan Hotelka.