Iyadoo lagu wado in maanta magaalada Muqdisho ay ka dhacdo Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ee Afarta sano ee soo socota xilka hayn doona ayaa waxaa jira baaqyo ka imaanaya hoggaamiyeyaasha bulshada oo ku aadan in la helo Doorasho hufan oo xalaal ah.
Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa qaba in Doorashada laga ilaaliyo wax is daba marin, maadaama loo baahan yahay in la helo Hoggaamiye daacad ah.
Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa xildhibaanada Labada Gole ee Dowladda Federaalka ugu baaqay in ay in ay doortaan Madaxweyne dalka, dadka iyo diinta wax u qabta, si dalka uu uga saaro cakirnaanta hada uu ku jiro.
Maanta Magaalada Muqdisho gaar ahaan dhismo ku yaalla inta u dhaxeysa Garoonka Diyaaradaha iyo xarunta Afasiyooni waxaa ka dhaceysa Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, taas oo ay ku tartamayaan Musharaxiin fara badan.
Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay waxaana wadooyinka la soo dhoobay Ciidamo aad u fara badan, kuwaas oo ka hortagaya falalka la xiriira amni darada.