Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde ayaa maanta shaqeyneyn, kadib markii Dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday in wax Diyaarad ah aanay ka oo degeyn Garoonka, kana duuleyn maanta oo Arbaco ah, maadaama ay dhaceyso Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.
Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Cali Jaamac (Jangali) ayaa Risaala u sheegay in maanta uusan shaqeyneyn Garoonka Aadan Cadde, maadaama meel u dhow Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ay ka dhaceyso Doorashada Soomaaliya.
Diyaarado aad u badan ayaa maalinkii ka soo dega Garoonka Caalamiga Diyaaradaha ee Aadan Cadde, waxaana qaarkood ay keenaan Qaadka, halka kuwa kalena ay yihiin kuwo qaada shacabka doonaya in ay dalka ka dhoofaan.
Maanta ayaa Magaalada Muqdisho waxaa ka dhaceysa Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, taas oo diyaar garowgeeda Magaalada Muqdisho, si aad ah looga dareemayay.