Waxaa isku soo haray wareega saddexaad ee tartanka doorashada Madaxweynaha Somaliya, iyadoo Shariif Sheekh Axmed uu ka haray loolanka doorashada Madaxweynaha Somaliya.
Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa hogaaminaya codadka ilaa hada la tiriyay, wuxuuna haystaa codad gaaraya 184 oo Wareega labaad uu ka helay, codadkana uu ku hogaaminaayo.
Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa helay codad gaaraya 97 cod, halka Shariif oo tartanka ka harayna uu helay codad gaaraya 46 cod.
Sida muuqata wareega saddexaada ayaa la aadayaa, iyadoo hogaanka codadka uu haysto Maxamed C/laahi Farmaajo.
Dhawaqa rasaas ayaa ka dhacday Magaalada Muqdisho, markii la ogaaday codadka inuu hogaaminaayo Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo.