Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta waxa ay ka dhaceysaa Magaalada Muqdisho, gaar ahaan dhismo u dhaxeeya Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde iyo xarunta Ciidanka Cirka ee Afasiyooni.
Xarunta ay ka dhaceyso Doorashada ayaa waxaa goob joog ka ahaan doona Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari), Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo xubno ka socda Beesha Caalamka.
Musharaxiin fara badan ayaa u tartamaya xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya, kuwaas oo isugu jira Mas’uuliyiin horey dalka u soo martay, Siyaasiyiin caan ah iyo xubno kale.
Ciidanka ammaanka Dowladda Federaalka ayaa aad u adkeeyay ammaanka Magaalada Muqdisho, waxaana wadooyinka la soo dhoobay Ciidamo isugu jira Boolis, Nabad sugid, Millitari iyo kuwa Booliska AMISOM.
Shacabka reer Muqdisho oo la hadlay Risaala ayaa sheegay in guryahooda ay ka daawan doonaan Doorashada, maadaama ay sheegeen in ay sugayaan Hoggaamiye dalka iyo dadka wax u qaban kara, lana yimaada isbedel wanaagsan.