DHAGEYSO DHACDO CUSUB:- Xildhibaan Qaran oo lagu Khalday Ninka Soomaalida ay Neceb tahay ee Gabra

0

Xildhibaan Qaasim Maxamed Jaamac oo la dhashay Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliyeed, General Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), ayaa waxay dad badani muuqaalkiisa ku khaldeen General Gabre, oo ah Sarkaal Itoobiyan ah, kuna sugan Magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Qaasim Maxamed Jaamac oo xubin ka ah Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somaliya, ayaa 10-kii bishii November ku soo baxay doorasho ka dhacday Magaalada Cadaado.

Barraha bulshada, ayaa waxaa lagu baahiyay sawirrada Xildhibaan Qaasim Maxamed Jaamac, iyadoona la leeyahay waa General Gabre. Xildhibaanka ayaa ka mid ahaa laba boqol iyo labaatan Xildhibaan, oo gelinkii dambe ee Talaadadii Hotel SYL kula kulmay musharax madaxweyne, Xasan Sheekh Maxamuud.

Dadka qaarkii oo arrintan aan ka fiirsan, ayaa ku deg degay in su’aalo ay ka keenaan sida General Gabre uu awood ugu yeeshay in uu soo dhex galo Xildhibaanadii Qaranka Somaliyeed.

Xildhibaan Qaasim Maxamed Jaamac, ayaa si adag uga hadlay in sawirradiisa lagu tilmaamo General Gabre, iyadoo uu sheegay in ujeedo laga leeyahay arrintan.

Xildhibaanka oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ee Magaalada Muqdisho, ayaa yiri “Xildhibaan Qaran baan ahay, Gabre maahi. Muwaadin Soomaali ah ayaan ahay, lama jiid jiidi karo oo dad isu heer ah ma nihin. Ujeedo ayay leeyihiin.”

“Ujeedadooda uma hirgaleyso, qof Soomaaliya ma noqonayo Gabre. Soomaali baan ahay, Gabre shaqo kuma lihi, musharaxaan rabaana dooranayaa. Codkayga xor baan u ahay, midka aan is leeyahay dadka, dalka iyo diinta uu wax tarayaa baan dooranayaa.”

“Waa dad qas iyo fowda wada, umana horeyso hadda dad qas iyo fowda wada, inay say doonaan wax u dhigaan nooguma horeyso.”

Dhanka kale Dadka Somaliyeed, ayaa General Gabre u arka mid carqalad ku ah xasiloonida dalka, iyadoo muuqaalo badan lagu arkay, isagoo ku sugan kulamo ay Somalidu leedahay, waxayna carro gelisay inta badan bulshada Somaliyeed.

Muuqaalka Xildhibaan Qaasim Maxamed Jaamac ee lagu khalday General Gabre, ayaa wuxuu ku soo beegmaysaa, xilli la hadalhayo in Xukuumadda Addis Ababa ay fara-gelin ku hayso doorashada madaxtinimada dalka.

General Gabre, ayaa waxaa la xusuustaa in uu hormuud u ahaa Ciidankii Militariga Itoobiya, ee bishii December ee sanadkii 2006-dii soo galay Magaalada Muqdisho, waana xilligaa goorta ay dadka Somaliyeed magaciisa maqleen.

HALKAAN KA DAAWO