DEG DEG: Ololihii ugu weynaa oo socda iyo afarta musharax oo isbaheysiyo raadinaya

0

Ololihii ugu weynaa ee doorasho ayaa ka socda hoolka doorashada madaxweynaha Soomaaliya ay ka socoto kadib markii la soo gabagabeeyay wareegii koowaad ee Doorashada.

Arrinta la yaabka leh ayaa ahayd in Musharax Maxamed C/llaahi Farmaajo uu sidii la filayay codad badan helay iyo Xasan Sheekh oo codadkii uu filayay ay aad u yaraadeen, waxaana hadda socda olole musharixiinta afarta ah ku jiraan.

Xasan Sheekh ayaa raadinaya inuu soo jiito musharaxiinta yaryar ee ay isku dhow yihiin, waxaana xaalad culus ay heysataa madaxweynaha xilka banneynaya iyadoo ay saddex musharax ee ku soo xiga yihiin kuwo dagaal kula jira.

Ma cadda isbaheysiga ay geli karaan Maxamed C/llaahi Farmaajo, Cumar C/rashiid iyo Sheekh Shariif , waxaana ololaha ciriiri gelinaya loolanka beelaha ay kasoo kala jeedaan Famaajo iyo Cumar C/rashiid.