Waxaa haatan lasoo gaba gabeeyay codeyntii doorashada wareegii labaad iyadoo xildhibaanada ay codkooda dhiibteen.
Waxaa hadda bilaabatay Tirinta codadka ay xildhibaanada dhiibteen kuwaas oo gaaraya 328 cod oo ah xubnaha kalfadhigaan qeybta ka ah ee labada aqal.
Musharaxiinta kala ah Xasan Sheekh, Sheekh Shariif iyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ku tartamaya wareegan waxaana la doonayaa in kalliya labo musharax ay usoo baxo wareega ugu danbeeya ee kala baxa ah.
Laakiin hadii mid kamid ah musharaxiintan uu helo codad gaaraya 209 cod oo udhiganta sedex meelood labo meel barlamaanka waxaa uu noqon doonaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.