Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa waxaa amaankiisa la wareegay ciidamada Amisom iyo kuwa Dowlada Soomaaliya.
Ciidamo badan ayaa isku gadaamay halkii uu taagnaa madaxweynaha cusub marka la doortay iyadoo gabi ahaanba uu isbadalay jawiga xarunta ay doorashada ka socotay.
Taliyaasha ciidamada kala duwan ayaa sidoo kale hoolka ku sugnaa kuwaas oo ka danbeeyay madaxweynaha cusub ee la doortay.
Hambalyo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo