Waxaa Xarunta Madaxtooyada Somalia ku qulqulaaya Xildhibaano farabadan oo ka kala tirsan Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka BFS.
Xildhibaanadaani ayaa la sheegayaa in Madaxtooyada Somalia ay uga qeybgalayaan kulan khaas ah oo uu u qabtay Musharax Xasan Sheekh Maxamuud oo si KMG ah usii haya xilka Madaxweynino ee Somalia.
Xildhibaanada ku qulqulaaya Xarunta Madaxtooyada Somalia, ayaa badi kasoo baqoolaaya Hoteelada magaalada Muqdisho, gaar ahaan Jazeera, SYL, Makka Almukarama iyo Hoteel Hayat oo ay ku badan yihiin Xildhibaanada taageersan Xasan Sheekh.
Madaxtooyada Somalia, ayaa waxaa tan iyo xalay ka socday kulamo khaas ah oo u dhexeeya Xasan Sheekh iyo Xildhibaanada, waxa uuna kulankaani hadda ka socda Madaxtooyada barbar socdaa kulankii xalay.
Xildhibaanada hadda ku qulqulaaya Madaxtooyada ayaa u badan kuwo aan xalay goobjoog ka aheyn kulankii dhacay, waxaana muuqaneysa inay yihiin kuwo iminka usoo jabay dhanka Xasan Sheekh.
Dhinaca kale, ilaa Seddex Hoteel oo ku yaalla Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa iyana hadda ka socda kulamo u hexeeya Musharaxiinta isku dhow dhow iyo Xildhibaanada taageersan oo ay codka ka sugayaan.