XOG CUSUB:- Imisa ayaa lagu iibsan karaa Codadka Musharixiinta ?

0

War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweyne ay bilaabeen bixinta lacagaha Cod iibsashada, ee la siinayo xildhibaanada, ayada oo Musharaxiinta ugu badan ayaa la xaqiijiyay inay bixinayaan lacag u dhexeysa $50,000 ilaa 100,000 oo dollarka Mareykanka ah, oo horudhac ah, islamarkaana lacagta qeyb ka mid ah la bixinayo kadib doorashada

Wararka qaar ayaa sheegaya in maalinta doorashada iyo saacadaha ugu dambeeyey laga yaabo in codadka ay qaaliyoobaan, ayna suurta gal tahay in xildhibaanada qaar la siiyo lacag ku dhow 200,000 oo dollar.

Musharaxiinta qaar ayaa la xaqiijiyay in lacagaha ay bixinayaan ay raaciyeen gaadiidka nooca raaxada iyo kuwa loo yaqaan Toyota Hilux oo dusha Sare ay ka fuulaan Ciidamada. Musharaxiinta oo wakhti yar ay uga harsan tahay Doorashada ayaa isku falisaaya lacago farabadan waxaana la sheegayaa in qaarkood ay bixin doonaan lacago dheeri ah.