Murashaxiinta madaxweyne ee ololahooda doorashada heerka gabogabo maraya ayaa eedeyn usoo jeediyay guddoomiyaha guddiga anshaxa doorashada Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar.
Prof. Cabdi Ismaaciil ayaa waxay murashaxiinta ku eedeeyeen inuusan dhexdhexaad aheyn isla markaana uu taageersan yahay murashax ka mid ah tartamayaasha xilka madaxweyne.
Murashaxiinta ayaa kula dhegan Prof. Cabdi Ismaaciil eedeyn uu hadda ka hor u jeediyay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu ku sheegay inuu shahaadiisa jaamacadeed ee uu masterka ku qaatay kaga been sheegay taariikhda Soomaaliyeed iyo inuusan karti u laheyn hoggaaminta dalka, xiligaasi oo Sheekh Shariif u magacaabay Farmaajo ra’iisul wasaare.
Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa hadalkiisa intaa raaciyay markaasi inuu been ka sheegay taariikhda Soomaaliyeed iyo madaxdii Aadan Cabdulle iyo C/rashiid Cali Sharma’arke oo taariikhdoodii mugdi geliyay, sidaasi darteedna uusan wax macno ah sameyn karin Farmaajo.