Wararkii ugu danbeeyay ee doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegaya in beesha caalamka ay faragelin ku sameysay Guddiga Anshaxa Doorashada oo ay dooneyso in awood dheeraad ah la siiyo.
Guddiga oo uu magacaabay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa howshiisa ugu weyn ay ahayd hubinta doorashada iyo warbixin siinta Baarlamaanka sidii ay u dhacday. (Akhri Wareegtada lagu magacaabay).
Kulamo isdaba joog ah oo xubhaha Guddiga ay la yeesheen Beesha caalamka ayaa la sheegay inay wakiilada beesha caalamka doonayaan in Guddigan ku dhawaaqi karo inay doorashada ay ku dhacday sharci darro markii loo baahdo, taasoo ka baxsan awoodii Guddiga sida uu hore u sheegay Guddoomiyaha Guddiga Prof. Cabdi Ismaciil Sanatar.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in xubno ka mida guddiga ay ogolaadeen dalabka Beesha caalamka ee ahay inay laali karaan doorashada haddiiba ay dhacdo in la helo arrimo lid ku ah sida laaluush iwm. Xubnaha qaar ayaa soo jeediyay in awoodda cusub ee Guddiga la hordhigo baarlamaanka fadhigiisa beri, doorashada ka hor.
Guddoomiye Jawaari ayaa ka hor yimid arrintan, isagoo ka digay inay keeni karto qalalaase doorasho, waxaana shirar aan loo kala kicin leh,
Wakiilada beesha caalamka, Guddoonka labada aqal iyo Guddiga Anshaxa. Lama oga sida ay ku danbeyn doonto arrintan, iyadoo ay cabsi weyn soo wajahay qaar ka mida musharaxiinta waaweyn oo galaangalka ku leh xildhibaanada. Waxaana jira xildhibaano doonaya inay olole doorasho darteed sheegtaan in la laaluushay.