WARBIXIN XIISO BADAN+CODAD:- Shacabka Muqdisho oo ka hadlay xirnaanshaha wadooyinka

0

Shacabka reer Muqdisho ayaa waxaa saameyn ku yeelatay xirnaanshaha wadooyinka Magaalada Muqdisho, kadib markii Dowladda Federaalka ay amar ku bixisay in maanta oo Talaado ah iyo berri oo Arabaco ah ay xirnaanayaan wadooyinka, maadaama ay dhaceyso Doorashada Madaxweynaha.

Koox ka tirsan wariyeyaasha Risaala oo kormeer indha indheyn ah ku tagay wadooyinka Muqdisho, gaar ahaan Isgoysyada Zoobe, KM4, Dabka, Bakaaro iyo kuwo kale ayaa waxa ay sheegeen in jawiga Magaalada maanta uu yahay mid degan oo aysan jirin Gaadiidka Dadweynaha oo shaqeynaya.

Sawiro laga soo qaaday wadooyinka ayaa muujinaya in isu socodka dadka maanta uu aad u yar yahay, marka laga reebo dad yar oo goobohooda Ganacsi jooga iyo kuwo qaar oo wadooyinka socda.

Shacabka Muqdisho ayaad moodaa in ay u hoggaan sameen amarka ka soo baxay Dowladda Federaalka, maadaama horey loogu sheegay in wadooyinka ay xirnaanayaan Labo maalmood, sidaasi darteedna dadka qaar ay Magaalada ka soo iibsadeen cunadii ay isticmaali lahaayeen Labadaasi maalmood.

Gaadiidka gaarka sida C/bilaha iyo kuwa Buruufta oo ay ku socdaan mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka oo keliya ayaa isticmaalaya wadooyinka Muqdisho, maadaama ololihii u dambeeyay ee Doorashada Madaxweynaha ay socoto.

Qaar ka mid ah shacabka Muqdisho oo la hadlay Risaala ayaa waxa ay sheegeen maanta in ay lugtooda maalayaan, maadaama la xanibay Gaadiidka dadweynaha iyo Mootooyinka Bajaajka oo dadka ay raacaan.

Waxa ay sheegeen in ay u dulqaadaanayaan labadan maalmood ee ay xiran yihiin wadooyinka, si dadka iyo dalka ay u helaan Hoggaan daacad ah oo xaalada cakirnaanta ah ka saara.

Ciidanka ammaanka Dowladda Federaalka oo isugu jira Nabad sugid, Boolis iyo Millitari oo si aad ah u feejigan ayaa aad u sugaya ammaanka Magaalada Muqdisho gaar ahaan goobta ay ka dhaceyso Doorashada, si ay uga hortagaan arbushaad dhacda xilliga Doorashada, maadaama Shabaabka ay ku hanjabeen in ay geysan doonaan Qaraxyo tankooda uu culus yahay.

Maalinta berri ah oo Taariikhda ay ku beegan tahay 8-da Febraayo ayaa waxaa dhici doonta Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, oo natiijadii ka soo baxda ay si weyn u sugayaan shacabka Soomaaliyeed, ee jooga dal iyo dibadba.

HALKAAN KA DHAGEYSO