Musharax Madaxweyne C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) ayaa goor dhow ku dhawaaqay in uu ka tanaasulay Musharaxnimada xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) ayaa ka mid ahaa Musharaxiinta galaangalka siyaasadeed ku dhex lahaa Doorashada Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in maanta ay is casili doonaan Musharaxiin kale, sida ay Risaala u xaqiijiyeen ilo madax banaan.
Maalinta berri ah oo Taariikhda ay ku beegan tahay 8-da Febraayo waxaa dhaceysa Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo ay u taagan yihiin Musharaxiin ka badan 20.
Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay, waxaana wadooyinka la soo dhoobay Ciidamo aad u fara badan, si looga hortago arbushaad xilliga Doorashada.
HOOS KA DAAWO