WAR DEG DEG:- Duqa Muqdisho oo Dhashiika lagu qabtay iyo Ciidamo is hortaagay

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdsho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa lagu baahdilay Mgalada Muqdisho, gaar ahaan sigoyska Dabka.

Ciidamo gaar ah oo sugaya ammaanka Magaalada Muqdisho oo ku sugnaa Isgoyska Dabka ayaa Gaariga Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ku qabtay Qoriga Dhashiikaha, maadaama uu ka dhega adeegay amarka Ciidanka Ammaanka.

Guddoomiyaha ayaa ujeedkiisa waxa uu ahaa in uu ka qeyb galo dhoola tus ay sameynayeen Ciidamada Booliska Dalka, Nabad sugida iyo kuwa Booliska AMISOM oo sugaya ammaanka Doorashada.

Maalin ka hor ayay aheyd markii Guddoomiyaha Gobolka uu amar ku bixiyay in la xiraayo wadooyinka Muqdisho labo maalmood, saameynta ugu badan isaga ayay ku soo laabatay.