Musharax Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa ka hadlay doorashada madaxweynaha oo Berri oo Arbaca ah ka dhaceysa magaalada muqdisho gaar ahaan xarunta Ciidamada cirka ee Afisiyooni kadib Shirjaraa’id oo uu galabta ku qabtay guriga uu ka dagan yahay magaalada muqdiho.
Sheikh Shariif ayaa marka hore ka hadlay dareenkiisa doorashada Berri iyo waxaa uu ka qabo waxaana uu muujiyey niyad wanaag ku saabsan doorashada oo ay ku tartamayaan 22-tan musharax oo uu kamidyahay Isaga.
Nuxurka Shirka Jaraa’id ee Shariif ayaa ahaa arimaha laxariira masumaasuqa waxaana uu qiray inuu jiro masuq maasuq iyo wax isdaba marin badan oo uu ku baaqay in la Yareeyo ugu Yaraan, waxaa kaloo uu tilmaamay in loobahanyahay Isbadal dhab ah hogaanka haatan ee talada Haya.
Musharax Sheikh Shariif oo kamid ah musharxiinta ugu Cad Cad doorashada madaxweyne ee berri ayaa ka hadlay arinta saameenta ku heeysa Soomaalida gudaha ee Abaaraha daran ee kajira qeyba kamid ah dalka waxaana uu Codkiisa ku biiriyey baaqa ah ugurmashada Dadkaasi si looga Samata Bixiyo gaajada iyo Dhibta ku heysa Dalka.
Shirkaan jaraa’id ee Sheikh Shariif ayaa kusoo aadaya waxayar kadib Doorshada Berri waxaana uu hadlay wax kayar Shan Daqiiqo oo uu kaga waramayDoorashada,Arimo kusaabsan masuqmaasuqa iyo Abaaraha Dalka iyadoo Berri oo Arbaca ah ay Dhaceyso doorashada madaxweynaha oo dhoor jeer oo hore Dib uga dhacday xiligii loogu Talagalay.
HALKAAN KA DHAGEYSO