C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole, ayaa sheegay sababta ka dambeysa in uu ka tanaasulo xilka Madaxweynaha in ay tahay Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada Soomaaliya oo aad u farabadan.
Faroole, ayaa sheegay inuu fursad siinaayo Musharaxiinta isbedel doonka ah ee hankooda uu yahay talada dalka inay ku guuleystaan, waxaana uu ugu baaqay Musharaxiinta kale inay sameeyaan tanaasul ku aadan jagada ay doonayaan inay u tartamaan si musharaxiin kooban ay isugu soo haraan tartanka.
C/raxmaan Faroole, ayaa fariin u diray Xildhibaanada codka dhiibaya, wuxuuna sheegay in laga doonaayo inaysan codkooda ku bixin qabyaalada ama qarash intuba.
C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa dhaliil u jeediyay Madasha Wadatashiga Qaran, wuxuuna sheegay doorashada Somaliya in faragelin toos ah lagu haayo, islamarkaana Xildhibaanada qaar loo tilmaamayo qofka ay dooranayaan.
Inkastoo uusan cadeyn cida faragelinta ku hayso doorashada Somaliya C/raxmaan Faroole, hadana wuxuu muujiyay inaysan meesha ka marneyn faragelinta dowladaha qaar ee Somaliya daneeya.
Saacadihii ugu dambeeyay ee doorashada Somaliya ayaa lagu guda jiraa, waxaana suuragal ah saacadaha soo socda inay iscasilaan Musharaxiin kale.
Hada waxaa soo haray Musharaxiin gaaraya 22 Musharax, maadaama horay uu isku casilay Cabdulaahi Cali Xasan oo musharax ahaa, Faroolana uu noqonaayo musharaxii labaad ee icasila.
HALKAAN KA DHAGEYSO